
Han & Hogaan waa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo qaran oo loo aasaasay in lagu xoojiyo maamulka, dib loo dhiso kalsoonida dadweynaha, loona dhiirigeliyo hoggaan mas'uul ah gudaha Soomaaliya. Dhaqdhaqaaqu wuxuu diiradda saarayaa dib u habeynta hay'adaha, caddaynta dastuurka, iyo bixinta adeeg dadweyne oo hufan.
In la dhiso iskaashi qaran oo soo celiya kalsoonida hay'adaha dawladda, abuurana goob siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyadoo loo marayo hufnaan, isla xisaabtan iyo caddayn dastuuri ah.
Soomaaliya oo xasiloon, barwaaqo ah, oo ay maamulaan hay'ado cad, muwaadinimo siman iyo nidaam federaal ah oo dheellitiran kaas oo u adeega dhammaan bulshooyinka.
Hufnaan, daacadnimo iyo dhaqan wanaagsan dhammaan arrimaha bulshada.
Waddaniyad isku xirta muwaadiniinta, oo salka ku haysa maamul dastuuri ah.
Nidaam cad si loo jaangooyo bixinta adeegga bulshada ee la qiyaasi karo.
Wada-hadal ka yimaada heshiisyada lagu saleeyay dhismaha qaranka.
Caddaaladdu waxay si siman u khuseysa dhammaan. Ma jiro qof amase hay'ad ka madax-bannaan sharciga.
Ahmiyadsiinta danta guud ee qaranka iyo ka fogaanshaha danaha gaarka ah.
Dhalaanyarada, haweenka, xirfadlayda iyo bulshada oo dhan ayaa si firfircoon uga qayb qaadanaya go'aan-gaarista qaranka.
Wuxuu dejiyaa jihaynta istaraatiijiga ah iyo siyaasadda qaranka.
Hirgelinta gobolka iyo fasiraadda siyaasadda.
Ka qaybgalka guud eek a bixinta iyo wacyigelinta bulshada.
Hormarinta hoggaaminta dhalinyarada iyo ka qaybgal firfircoon.
Awood-siinta haweenka iyo metelaad siyaasadeed.